Su'aalaha La wargelinayo, Walaacyada, iyo Cabashooyinka

Human Research Protection Program (HRPP) way soo dhaweynayaan su'aalahaaga, walaacyada, iyo cabashooyinka ku saabsan cilmi baarista ee ka qeybqaatayaasha aadanaha ee Jaamacada Minnesota ama Fairview Health Services. Qof walba, oo ay ku jiraan ka qeybqaatayaasha cilmi baaraha iyo xubnaha qoyska, way gudbin karaan jawaab celin.

Looma baahno inaad u sheegtid warbixinta xiriirkaaga HRPP. Si kastaba, haddii aad rabtid inaan kugu soo laabano, fadlan sheeg warbixinta xiriirka oo waan kugula soo xiriireynaa labo maalmood shaqo ah.

Waxaa jiro labo qaabood oo lagu soo wargeliyo su’aal, walaac, ama cabasho:

Dhameystir Foomka Jawaab celinta Human Research Protection Program. Haddii aad codsatid jawaab oo aan lagula soo xiriirin labo maalmood gudahood, fadlan soo wac 612-625-1650. Arinta farsamada foomka onleenka laga yaabo inuu dhacay.
AMA
Fariin ku reeb Qadka Research Participants’ Advocate: 612-625-1650 (taleefon bilaash ah: 1-888-224-8636).

Daryeelka Taqasuska Carruurta Gillette

Haddii adiga ama canugaaga uu ka qeybqaadanayo daraasada Gillette, waxaad si toos ah ula wadaagi kartaa walaacyadaada Gillette.